Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa si cad u diiday soo jeedin ka timid Ruushka oo ku saabsan in Ukraine ay ka tanaasusho gobolka Donbas si loogu beddelo xabbad-joojin. Zelensky wuxuu sheegay in tanaasul noocaas ah uu furi karo albaab cusub oo u sahla Ruushka weerarro dheeraad ah mustaqbalka.
Hadalka Zelensky ayaa yimid iyadoo la filayo in Jimcaha uu kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, kulan ka dhici doona gobolka Alaska.
Trump ayaa horay u sheegay in heshiis kasta oo nabadeed uu suurtagal u yahay “isku beddelasho dhuleed”, iyadoo la rumeysan yahay in Putin uu dalbanayo in Kyiv ay ka tanaasusho Donbas – gobolka uu Ruushka weli gacanta ku hayo.
Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa sii wadaya weerarro xooggan, iyaga oo si lama filaan ah ugu sii siqaya magaalada bariga Ukraine ku taalla ee Dobropillia. Wararka ayaa tilmaamaya horumar ay ka sameeyeen gudaha qaar ka mid ah goobaha dagaalka.