Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu boqollaal ka tirsan ciidamada Ilaalada Qaranka u diri doono magaalada Washington DC isla markaana uu la wareegayo waaxda booliska si loola dagaallamo dambiyada.
Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu kaga dhawaaqay “Maalinta Xoriyadda” magaalada, wuxuuna ballan qaaday in uu ka samatabixin doono caasimaddiisa dembiyada, dhiigga daadanaya, qaska iyo wax ka sii daran.
Si kastaba ha ahaatee, duqa magaalada Washington DC Muriel Bowser ayaa sheegay in magaalada “dembiyadeeda uu ku yimid hoos u dhac weyn” iyo in ay “muddo 30 sano ah ay hooseeyeen dambiyada rabshadaha wata”.
Tani waxay eegtay waxa ay tirooyinka muujinayaan dambiyada rabshadaha wata ee caasimadda iyo sida ay ula barbar dhigmaan magaalooyinka kale ee Mareykanka.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 MHZ KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.