tan iyo waqtiyadii hore, marinnada baddu waxay muhiim u ahaayeen socdaalka, ganacsiga, iyo ololaha militariga, ilaa maantana weli way yihiin.
Jidadka badda ayaa si gaar ah muhiim ugu ah daabulidda iyo keenista shidaal aad u badan iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah maraakiibta xamuulka qaada. Sida laga soo xigtay Bankiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay, in ka badan 80 boqolkiiba badeecadaha adduunka waxaa lsoo mariyaa badda.
Sidaa darteed gaadiidka baddu waa hab muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa alaabta ceyriin. Sidaa darteed, dalalku waxay inta badan ku daabulaan badeecadaha ay la soo degayaan iyo kuwa ay ka dhoofiyaan badda iyagoo isticmaalaya maraakiib waaweyn.
Waxaa jira waddooyin muhiim ah oo loogu talagalay dhaqdhaqaaqa badda ee adduunka oo dhan, waxaana ugu horreeya Badda Cas.
Kala soco wararkeena dalbile radio 98.0 mhz kismaayo iyo nawaaxigeeda.