Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Tababaraha reer Portugal Ruben Amorim ayaa difaacay weeraryahanka Manchester UnitedRasmus Højlund, kaddib ciyaar uu fursado khasaariyay balse uu si adag u dagaallamay.

Højlund ayaa birta ku dhuftay laad daqiiqadii ugu horreysay ciyaarta, wuxuuna fursad kale seegay daqiiqadii 15-aad, taasoo keentay in mar kale la dhaleeceeyo.

Amorim ayaa yiri:

“Runtii aad ayaan u jeclahay qaab ciyaareedka Rasmus. Oradkiisa, sida uu u dagaallamay inta lagu guda jiray ciyaarta, mararka uu kaligii la tacaalayo daafacyada, iyo mararka kubbado dheer dheer loo tuuro sida uu saaxiibadiis ula xiriiro.”

“Wuxuu qabtay shaqo fiican.”

Si kastaba, Højlund wali gool kama dhalin Manchester United intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka (pre-season), sidoo kalena wuxuu dhibaato kala kulmay gool-dhalinta xilli-ciyaareedkii 2024/25.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay