Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Ciyaaryahanka garabka weerarka ee Manchester United, Jadon Sancho, ayaa ogolaaday inuu dhimo mushaarkiisa si uu ugu biiro kooxda reer Talyaani ee Juventus, sida laga soo xigtay wararka ay qorayaan warbaahinta gudaha.

Juventus ayaa horey ula gaartay Sancho heshiis shan sano ah oo uu ku joogayo kooxda ilaa 2029, iyadoo xiddiga Ingiriiska uu hoos u dhigay mushaarkiisa sannadlaha ah oo markii hore ahaa €10m.wuxuu oggolaaday inuu keliya qaato €6m sanadkii.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax heshiis ah oo ay gaareen labada kooxood. Manchester United ayaa dooneysa inay ka hesho €25 milyan iibka Sancho, halka Juventus ay hadda miiska saartay €19 milyan. Wadahadallada ayaa si xowli ah u socda si loo gaaro is-afgarad.

Sancho ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ugu ciyaaray Chelsea, isagoo saftay 42 kulan, dhaliyey 5 gool isla markaana caawiyey 10 gool.

Waxaa la filayaa in Sancho uu kulankiisa ugu horreeya ee Juventus safto 10-ka Agoosto, markaasoo ay la ciyaarayaan Borussia Dortmund, kooxda uu caan ku noqday kahor intii uusan u wareegin Premier League.

KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0 Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay