Rakaabkii saarnaa diyaaradda American Airlines ayaa si deg-deg ah looga daadgureeyay qaybta badbaadada ee diyaaradda, kadib markii ay soo wajahday cillad weyn,xilli ay ku gudajirtay shaqooyinkeeda maalinlaha ah.

Qaybta taayarrada hoose ee diyaaradda(Landing Gear),ayaa la sheegay in si lama-filaan ahi uu dab uu uga kacay, xilli ay diyaaraddu ku sugnayd gegidda diyaaraha Denver ee gobolka Colorado ee dalkaasi Mareykanka.
Shaqaalaha iyo maamulka garoonka ayaa markiiba goβaansaday, in qaybta badbaadada xaaladaha deg-degga ah ee diyaaradda rakaabkii saarnaa diyaaradda laga daadgureeyo.
Muuqaal wada qabsaday warbaahinta caalamka iyo baraha bulshada, ayaa muujinayay uuro is wada qabsatay, iyo heerka khatartu gaadhsiisan tahay.
Hal qof oo rakaabka ka tirsanaa ayaa la wariyay in dhaawac fudud uu soo gaadhay, balse intii kale ay nabad qabaan.
KALA SOCO WARARKEENNA DALBILE RADIO 98.0Mhz KISMAAYO IYO NAWAAXIGEEDA.