kaamka barakacayaasha ee Hilaac Wanaag ee ku yaala garasbaleey duleedkaMugdishu , waxaa laga billaabay hindise ay dad barakacayaal ah ay si iskaa- wax-u-qabso ah ugumidoobeen si ay xal ugu helaan dhibaatooyin deegaan oo ay sanado badan la tacaalayeen. Ujeeddadu waxay ahayd mid cad: in la helo dhul rasmi ah oo qoys walba uu leeyahaymilkiyadiisa.

Iskashigan maaliyadeed oo loo yaqaano ayuuto waa nidaam dhaqameed dhaqaalaysi ah oo ka jirabulshada Soomaaliyeed. Waa nooc hanaan ay xubno ka mid ah bulshada ku midoobaan si ay lacag isugu darsadaan bil ahaan. Bishiiba, qof walba wuu bixiyaa cadad go’an, kadibna hal qofayaa helaya lacagtaas dhan. Wareegyo badan ka dib, qof walba ayaa helaya fursad uu lacagtaasku qaato. Waa nidaam lagu dhiso is-aamin, isla markaana ah qaab bulsheed lagu xalliyobaahiyaha maaliyadeed ee degdegga ah.
Qoysaskan oo ay soo sal kiciyeen colaadaha, abaaraha iyo qalalaasaha isbedelka cimilada ayaawaxa ay barakac ahaayeen muddo 7 sano iyo ka badan . Intooda badani waxay muddo dheer kusugnaayeen nolol ku-meelgaar ah, iyaga oo hadba meel u guuraya mar kasta oo laga rarodegaankooda.
Qoysaskan oo gaaraya 103, waxay si wadajir ah u garwaaqsadeen in mar walba oo ay meeldagaan la barakiciyo, maadaama dhulku uu leeyahay milkiile gaar ah. Waxaa la arkay in barakaca joogtada ah uu sababayo xasillooni darro nololeed, taas oo saamaysay caruurta, haweenka, iyo guud ahaan bulshada barakacayaasha ah.
Barakacayaashu maadaama aysan markii hore haysanin heshiis sharci ah oo ay ku sii joogaan, ayaa waxa ay horseedaysay in marar badan lagu wargeliyo in ay guuraan, xitaa iyadoo aysanjirin meel kale oo ay u guuraan. Xaaladaha qaar, waxay la kulmayeen xoog ama cadaadis, sida in cagaf-cagafyo lagu duminayo teendhooyinkooda ama boolis Khasab ku raraan, maadaama dadkiidhulka lahaa ay u baahdeen.
“Mar kasta oo aan dhul degno, dhowr bilood kadib ayaa naloo sheegayaa inaan ka guurno. Dhulka qof baa iska leh, naloomana oggola in aan halkaas sii joogno. Taasi waa sababta aan ugubaraarugnay in aan xal rasmi ah raadino, sidaas darted waxaan sameesanay ayuuto, waxaan kumideynay 103 qoys” ayuu Bilan Media u sheegay Maxamed Aweys oo ah hor-joogahakaamkaasi.
Habraaca loogu kala hormarayo qaadashada hagbadda ayuu sheegay in lagu gaaray go’aan shir-weyne: “Kadib shir dadweyne oo ay isugu yimaadeen, waxaa la gaaray go’aan ah in qoys walbauu bishii ku darsado afar doolar iyo bar ($4.5) si loo bilaabo uruurinta lacag loogu gado dhul. Qorshuhu wuxuu ahaa in marka ayuutada go’do, loo sameeyo qori-tuur, qofkii nasiibkiisa ku sooaado ayaana dhulka la siinayayaa. Waxaan ku tashanay inta aan dagi laheen dhul maalin walbonagala dumin lahaa go,aan waxaan ku gaarnay tookadaan hadaa kacdaan dhul idinka aa ledihiinlee daga . dhulka qiimahiisa $450, halka nootaayo ay qaadato $10, si ay u sugto sharciyadda.”
Guddoomiye Maxamed Aweys , oo ah aabbe haysta 15 caruur ah ayaa ii sheegay in hadda ay gadeen 36 boos, laakin aysan sahlanayn iibsashada dhulalka, oo ay shuruudo wehliyaan:
“Marki aan dhulka soo helnay sharuuda nagula xiray waxa ay ahayd in aan bixino lacag dhan$5000 oo ah qiimaha 103 boos… $3000 anaa keenay beerteyda aa waxaa usoo galiyay rahan $2000 waxaa dhiibay saxiibkeey, waxaana rahanta usoo galiyay dadkaan masakiinta ah oomaalin kasta haduu alwaax jabo aan sameen Karin, oo guuri Karin. Lacagta gaariga alaabta lagurarayo ma awoodaan .”
Hindisahaas qiimaha badan laguma helin si sahlan. Waxaa jirey caqabado ay ka mid yihiin in mararka qaar aan la haynin lacag ku filan oo dhul lagu gado. Tani waxay keentay in guddoomiyaha kaamka, Maxamed Aweys, uu xitaa beertiisii uu iibiyo, si uu u sii socdomashruuca.
“Markii aan aragnay in lacagtii aan aruurinnay aysan gaarsiisneyn dhul, waxaan go’aansadayinaan iibiyo beertayda si aan u dhameystirno lacagta. Haddii qof walba wax bixin karo, maxaaaniga iga horjoogaya?” ayuu yiri isagoo si laab furan uga warramaya go’aankiisa.
Xaliimo oo heysata 7 caruur agoon ah waa hooyo xamaali ka ah suuqa bakaaro, waxa ay ii sheegtay inay la dhacsan tahay nidaamka ayuutada:
“Waxaan ahay qofka 36 aad, waan ku faraxsanahay booska la igu wareejiyay, dhibaatooyiinkaaan la kulmay ayaa ah mar walbo oo aan meel dago; waxaa lay dhahaa ka guur dhulka aan caawanabad ku seexdo waxaa laga yaabaa, in salaadda subaxdi adoo u taagan laguu imanayo, iga guurlagu dhahayo, kuwa qaar mudo ayey ku qabanayaan halka kuwo Kalena cagaf-cagaf iyo askari korkaga taagan lee aad arkeysid ” ayee tiri.
Iskaashigan waxa uu abuurayaa rajo ah in barakacayaashu ay dib-u-dejion ka helaanmagaalooyinka ay u soo barakeceen, hindisaha ka jira kaamkani waxa uu sidoo kale dirayaadhambaal ah awoodda isku duubnidu u lahayd bulsho kasta.
Maxamed Xasan waa aabbe haysta 10 caruur ah, waxa uu sugayaa in la gaaro wareeggiisa uu kuqaadan lahaa dhulka uu ku helayo lugta ayuuto ee u go’aysa. Laakin Maxamed waxa uu cabashoka qabaa in uu wajahayo culays xagga shaqada ah, maadaama boosaska shaqo ee muruq-maalnimada ay la wareegayaan mashiinno: “Aniga waxa aan ka mid ahay dadka sugaya, waxaanla kulmay caqabado sababtoo ah waxaan waayay shaqadeyda, mar marka qaar wey igu adkaataain aan bixiyo lacagta bishi la iga rabo. Waxaan ka shaqaynayay dhismaha magaalada Muqdisho, laakiin hadda waxaa suuqa suuqa soo galay gaariga shubka shuba ee loo yaqaano khalaado iyowiishash shaqooyiinka aan qaban jiray la wareegay”
Mashruucan dhul-iibsiga ah waa mid 100% ka yimid bulshada lafteeda Ma jiro maalgelin ka timid hay’ad samafal, ururo aan dowli aheyn , ama hay’ad dowladeed. Dadka laftooda ayaa is abaabulay, is ururiyey, oo qorsheystay.
kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0Mhz Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda.