Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka labo kale ay dhaawacmeen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Toogashadan naxdinta leh ayaa ka dhacday aga-gaarka xarunta taraafikada gobolka Nugaal, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in falka uu ka dhashay is-fahamwaa ama muran u dhexeeyay labada dhinac.

Askariga falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday isagoo sita qoriga askarigii uu dilay, iyadoo weli aan la garan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka.

Labada askari ee dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu daaweynayo. Ma jiro war rasmi ah oo laga helay xaaladooda caafimaad.

Ciidamada ammaanka gobolka Nugaal ayaa bilaabay baaritaanno degdeg ah iyo baadi-goobka askariga baxsadka ah. Dhacdadan ayaa si weyn u cabsi gelisay shacabka magaalada Garoowe, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo xakameeyo xaaladda.

Ilaa iyo hadda, maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha ammaanka Puntland kama aysan hadlin si rasmi ah dhacdada, taas oo sii kordhisay walaaca dadweynaha.

Kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0 Kismaayo Iyo Nawaaxigeeda

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay