Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Jubaland ayaa soo saartay amar rasmi ah oo ku socda dhammaan kalluumaysatada ku sugan deegaanada Jubaland, kaas oo lagu mamnuucayo labo arrimood oo si weyn u saameeya bad-qabka khayraadka badda:

  1. Mamnuucida isticmaalka shabaqyada caagga ah (plastic nets): Wasaaraddu waxay sheegtay in shabaqyada caagga ah ay halis weyn ku yihiin noolaha badda, gaar ahaan kalluunka. Maadaama Shabaaga Caaga ah uusan dhamaaneyn (Plastic), taasoo si toos ah u waxyeelaysa deegaan badeedka.
  2. Mamnuucida kalluumaysiga aargoosatada uurka leh ee sido ukumaha (ukumaha): Wasaaraddu waxay xustay in kalluumaysiga aargoosatada xilliga uurka ama ukumaha sido uu si weyn u yareynayo wax-soosaarka kalluunka ee mustaqbalka, taasoo khatar ku ah taranka kalluunka iyo koritaanka dhaqaalaha kalluumaysiga.

Wasaaraddu waxay sheegtay in qofkii lagu arko isagoo jebinaya qodobadaas laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka kalluumaysiga ee Jubaland.

Sidoo kale, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Dowladda Jubbaland ayaa dhammaan laamaha amniga ugu baaqday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan fulinta amaradaas, si loo xaqiijiyo hogaansanaanta iyo ilaalinta sharciyada kalluumaysiga ee Dowladda Jubaland.

Kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0Mhz Kismayo iyo Nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay