Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shirka saddex-biloodlaha ah ee dib-u-eegista, qiimeynta iyo isu-duwidda howlaha caafimaadka ee ka socda Jubaland, gaar ahaan Rubuca 2-aad ee sannadka 2025.

Kulanka oo socday laba maalmood ayaa lagu falanqeeyay horumarka adeegyada caafimaadka, hirgelinta qorshayaashii hore, caqabadaha jira iyo baahiyaha degdegga ah ee u baahan xal waara.

Waxaa ka qeyb galay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, saraakiil caafimaad heerar kala duwan ah, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ee la shaqeeya Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ayaa si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda wada-shaqeynta, fulinta qorsheyaal wax-ku-ool ah, iyo in adeegyada la gaarsiiyo bulshada si hufan oo waafaqsan baahiyaha dhabta ah.

Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ayaa ballanqaadday in ay sii dardargelinayso horumarinta adeegyada caafimaadka si loo helo adeeg tayo leh oo joogto ah.

Wararkeenna Kala Soco Dalbile Radio 89.0Mhz Kismayo Iyo Nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay