Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Cutub ka tirasan Ciidanka Gaarka ah ee Uttar Pradesh ayaa nin u taxaabeen xabsiga magaalada Ghaziabad ee gobalka kunar ee bariga afghanistan, isagoo lagu eedeeyay inuu sameystay safaarad been abuur ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu dadka la xiriiri jiray isagoo isugu sheegaya safiirka dalal lagu magacaabo Westarctica, Saborga, Paulvia, iyo Lodonia.

Sushil Ghule oo ka tirsan ciidamada gacanta ku dhigay ninkaan ayaa yiri: “Wuxuu dadka kula xiriiri jiray isagoo sheeganaya inuu yahay safiirka West Arctica, Saborga, Paulvia, Lodonia iyo waddamo kale . Waxa laga helay agab badan oo laga shakisan yahay. Gawaaridii laga helay waxa ku asteesnaa taarigo diblomaasiyadeed oo been abuur ah, kuwaas aan wax sharciyad ah ka haysan hay’adaha dowladda”.

Boolisku waxay sheegeen in ninkan oo lagu magacaabo Harshvardhan Jain oo 47 sano jir ah uu guri kiro ah ka daganaa xaafadda Kavi Nagar ee Ghaziabad, halkaas oo uu si qarsoodi ah uga shaqeynayay safaaraddan been abuurka ah.

Kala Soco Wararkeenna Dalbile Radio 98.0 Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay