Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
- Xaaladda Gobolka Gedo
2. Dagaalkii Ka dhacay Degmada Dolow ee deegaanada Jubaland.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay kulanka ku meelmariyeen xeerka cusub ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Shirka khamiislaha aya aah mid asbuuciiba mar la qabto oo ayna ka Qeybgalaan Golaha wasiirada Dowlada Jubaland isla markaana uu shir gudoomiye Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Wararkeenna Kala Soco Dalbile Radio 98.0Mhz kismayo iyo Nawaaxigeeda.