Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Donald Trump ayaa Barack Obama ku eedeeyay “khiyaano qaran”, isaga oo ku andacoonaya inuu maleegayay inuu curyaamiyo madaxtinimadiisii ugu horeysay, taasoo uu la xiriiriyey inuu ku lug leeyahay faragelintii doorashada ee Ruushka.

“Waxay isku dayeen inay doorashada xadaan,” ayuu Trump ka sheegay Aqalka Cad isagoo ku andacoonaya in Obama uu doonayay inuu wiiqo guushii uu ka gaaray Hillary Clinton 2016-kii.

Afhayeen u hadlay Obama ayaa soo saaray jawaab celin naadir ah, isaga oo ku tilmaamay weerarka Trump “isku day daciif ah oo indhaha dadka lagu jeedinayo”.

Trump waxa uu soo hadal qaaday warbixin ka soo baxday agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka Tulsi Gabbard usbuucii hore oo ku eedeysay Obama iyo kooxdiisa amniga qaranka “afgambi sanado qaatay oo ka dhan ah madaxweyne Trump” – arrimahaasoo ay Dimuqraadiyiintu ku tilmaameen been abuur.

Hadallada Trump ee Talaadadii ayaa yimid isagoo su’aalo kala kulmay suxufiyiinta, kuwaasoo ku saabsan dambiyada galmada ee Jeffrey Epstein, kaasoo isku dilay xabsiga 2019 isagoo sugaya maxkamad.

Wararkeena Kala Soco Dalbile Radio 98.0Mhz Kismayo Iyo Nawaaxigeeda.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay