Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dalka dariska la ah ee Itoobiya, oo uu muran kala dhaxeeyo in ay ka fogaadaan hadallada kicinta ah isla markaana ay xoogga saaraan dhibaatooyinka gudaha dalkooda ka jira.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay Arbacadii la so dhaafay, qaybtii labaad ee wareysi lala yeeshay oo uu siiyay telefishanka qaranka Eritrea.

Qaybtii hore ee wareysiga oo la baahiyay Sabtidii ka horreysay, waxa sidoo kale lagu falanqeeyay khilaafka Itoobiya. Waxaana markii hore loo qorsheeyay in qaybta labaad lagu eego arrimaha gudaha ee Eritrea, balse waqti badan ayaa lagu bixiyay ka hadalka dalalka sida Suudaan, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo arrimo kale oo caalami ah.

Hadaladiisa, Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ahaa in Itoobiya ay ka fiirsato in ay ku mashquusho hadallo dagaal hurin ah, halkii ay si wax ku ool ah u xallin laheed dhibaatooyinka gudaheeda ka jira

Waxaa xusid mudan in qaybtii hore ee wareysiga, Madaxweynaha uu ku tilmaamay warqaddii Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay inay ahayd “eedo been ah oo aan macquul ahayn.”

radio dalbile 98.0 Mhz

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay