Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

Shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ee ku sugan Baqdaad ayaa lagu wargeliyay in laga rarayo dalka Ciraaq sababo la xidhiidha khataraha amni ee isa soo taraya, sida ay sheegeen ilo dowladda Mareykanka ka tirsan.

Mas’uuliyiintu ma sheegin si sax ah waxa sababay tallaabadan, balse Arbacadii, warbaahinta CBS  ayaa sheegtay in saraakiil Mareykan ah lagu wargeliyay in Israa’iil ay diyaar u tahay in ay weerar ku qaaddo Iran, iyadoo la soo xiganayo mas’uuliyiin arrintaas xog ogaal u ah. Saraakiishu waxay sheegeen in tani ay qayb ka tahay sababaha Mareykanku uga digay qaar ka mid ah muwaadiniintiisa in ay ka baxaan gobolka, iyagoo intaas ku daray in Mareykanku filayo in Iran ay uga aargoosan karto goobo gaar ah oo Mareykanku ku leeyahay gudaha Ciraaq.

Arrintan waxay imaaneysaa xilli wadahadalladii Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ay u muuqdaan kuwa istaagay. Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa weli qorsheynaya inuu la kulmo mas’uuliyiin Iraniyiin ah Axadda, si loogu guda galo wareegga lixaad ee wadahadallada, sida ay CBS u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay