Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen macallin, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Dr.Badr Abdelatty, Goor uuu ku sugnaan Oslo Forum 2025, halkaas oo uu uga qeybgalayaan shirweynaha.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeynayey xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca Amniga, ganacsiga iyo dadaallada lagu xasilinayo gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa Mar kale Qalinka ku jiiday taageerada buuxda ee dalkiisa siinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca diblomaasiyadda, horumarka iyo Arimaha la xirriira Amniga. Waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in ay sii waddo taageerada ay siiso ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Masar ayaa waqti xaadirkaan go’aansatay in ciidamadeeda ay ku soo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilowday ee AUSSOM

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay