Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

17 / 100 SEO Score

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Dalxiiska Jubaland, taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Hanuunninta Dadweynaha. Siyaasaddan ayaa ujeedadeedu tahay horumarinta dalxiiska, kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo soo bandhigista khayraadka dabiiciga ah iyo goobaha taariikhiga ah ee Jubaland.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa saxiixay Siyaasadda Kharash soocelinta Isbitaallada Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Siyaasaddan ayaa diiradda saaraysa xoojinta adeegyada caafimaadka, hagaajinta tayada daryeelka iyo hubinta in xarumaha caafimaadku yeeshaan awood dhaqaale oo ay ku sii joogteeyaan adeegyada ay bulshada u hayaan.

Labadan Siyaasadood waxay ka tarjumayaan dadaalka joogtada ah ee Dowladda Jubaland ay ugu jirto horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo kor u qaadidda fayo qabka bulshada.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

© 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay