Kusoo dhawow Raadiyaha iyo Tv ga Dalbile

Welcome to the Official Website of Dalbile Radio and TV Inspire. Empower. Connect.

Kusodhawow Raadiyaha Iyo TV-ga Dalbile

9 / 100 SEO Score

warar sugan oo ay heshay warbaahinta Somali Stream ayaa xaqiijinaya in shirkiiย  masiiriga ahaa ee u qorshaysnaa inuu dhexmaro Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ah uu suuratgali waayay inuu qabsoomo.

Xogtan oo aan ka helnay ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa muujinaysa in xaaladda dalku ay marayso meel aad u xasaasi ah, ayna Madasha Samatabixinta ka quusatay rajadii ay ka qabtay in si degdeg ah shirka loo qabto.

Sababaha keenay inuu shirku baaqdo, waxaa ugu horreeysay sidii aan hore u baahinay daacadnimo laโ€™aanta Madaaxtooyada Qaranka oo muddo dhawr maalmood ah ka cagajiidaysay inay ka garawdo celintii diyaaradaha iyo tabashooyinkii Puntland iyo Jubaland.

Dhinacyada xogta nasiiyay ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu ciyaarayo siyaasad laba weji leh. Mid waa isaga oo gacanta midig ku qabtay Beesha Caalamka, lana galay ballanqaadyo qurxoon, halka gacanta kale uu ku duminayo heshiis kasta oo keeni kara kalsooni dhab ah. Camalkiisa ayaa lagu tilmaamay โ€œgaadmo siyaasadeed,โ€ isagoo adeegsanaya xeelado dib-u-dhac ah si uu uga fogaado mabaadiโ€™da dhabta ah ee isu-soodhawaanshaha iyo wada-xaajoodka dhabta ah.

Waxa kale oo ay xogtu intaas ku daraysaa in Madaxwaynuhu qorsheeyey safarro uu ku marayo saddex dal oo dibadda ah usbuucan sida Masar, Qatar iyo Itoobiya oo uu ak dhacayo Shirka Midowga Afrika. Safaradaas waxay waqtiga ka dileen gogosha.

Kulankii Beesha Caalamka iyo Golaha Mustaqbalka

Dhinaca kale, Somali Stream waxay heshay faahfaahinta kulan 3-dii bishanย  dhexmaray Beesha Caalamka iyo Golaha Mustaqbalka oo ay halkan ku matalayeen xubno katirsan Samatabixinta oo uu horkacayay Raysal Wasaare hore Xasan Cali Khayre iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday dhacdadii 1-dii bishan Dowladdu ku hor istaagay diyaaradihii hordhaca u ahaa wafdiyada Puntland iyo Jubaland, taas oo loo arkay weerar toos ah oo lagu qaaday kalsoonida, habraaca shirka iyo nidaamka guud ee dawladnimada.

Golaha Mustaqbalka ayaa gudbiyay eedayn culus oo ku aaddan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalkii dib ugu celiyay nidaam kooxaysi, isagoo macno tiray hayโ€™adihii dowladda si uu u gaaro dano gaar ah.

In kasta oo Beesha Caalamku ay codsatay in 4-ta bishan ay yimaadaan miiska wada-hadalka, haddana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaaย  caddeeyey inaysan diyaar ahayn, isla markaana aysan soo safri karin maalinta Arbacada ah sababo la xiriira amniga iyo kalsooni darrada taagan.

Goโ€™aanka Jubbaland iyo Puntland: Khatarta Mashruuca Federaalka

Xogta ugu dambeysay ee ay heshay Somali Stream ayaa muujinaysa in Jubbaland iyo Puntland ay hadda u yeeranayaan xubnaha ku matala Dowladda Federaalka si ay ula sameeyaan la-tashiyo masiiri ah. Waxaa jira xog xooggan oo sheegaysa inay qarka u saaran yihiin inay ku dhawaqaan inay gebi ahaanba ka baxeen mashruuca dowladnimada ee hadda socda.

Tani waxay ka dhigan tahay halis aan hore loo arag, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xildhibaannada iyo masuuliyiinta deegaannadaas matala aysan mar dambe kasoo muuqan doonin aqallada baarlamaanka iyo guud ahaan nidaamka dowladnimada ee Muqdisho saldhiga u tahay. Haddii tallaabadan ay hirgasho, waxay calaamad u tahay burburka nidaamkii federaalka ee la soo dhisayay labaatankii sano ee u dambeeyay.

Tags :

Recent Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

editors picks

Top Reviews

Contact

Phone

+252 61 2 77 99 79

Email

info@dalbilemedia.com

Address

Kismaayo Jubaland Somalia

ยฉ 2025 Dalbilemedia. Xuquuqdu way dhawran tahay